Monday, January 17, 2022

Alshabaab oo weerar kedis ah ku qaaday Magaalada Jowhar & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab ay xalay weerar kedis ahaa ku qaaday Koontaroolka Koonfureed ee magaalada Jowhar.

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlay xilli danbe xalay dhinaca Koonfureed ee magaalada Jowhar oo ay ku yaallaan xarumaha maamulka Hirshbeelle, sida madaxtooyada, waxayna wararkii ugu danbeeyay  sheegayaan in dagaalka oo daqiiqado socday lagu dilay hal askari iyadoo mid kale lagu dhaawacay.

Lama oga qasaaraha gaaray kooxda weerarka soo qaaday ee Alshabaab, iyadoo weerarka kadib ay dib uga baxeen halkaasi, waxaana gaaray ciidamo gurmad ah oo u badan ilaalada madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Ad

Weerarka Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa imaanaya iyadoo ay magaalada Jowhar shalay boodeen wafdi uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!