Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo weerar ku galay degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose & Wararkii ugu danbeeyay

Kooxda Alshabaab ayaa weerar ku qaaday Degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyadoo beegsaday saldhig ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Dagaalamayaal Alsahbaab ayaa weerar culus ku galay degmada Qoryooley, waxaana dagaal culus dhex maray maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo hub culus ay is weydaarsadeen labada dhinac.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku galeen  degmada Qoryooley, ayna la wareegeen inta badan xarunta degmada iyo degaanada al xiriira, iyadoo aan la ogeyn qasaraha ka dhashay dagaalka ee labada dhinac.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa shgeegaya in maleeshiyada Alshabaab ay dib uga laabteen degmada Qoryooley ee ay weerarka ku qaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON