Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo weerar ku qaaday Bas ku socday magaalada Nariobi iyo Dad lagu dilay

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaaday Bas rakaab ah oo ku socday magaalada Nairobi, kaasoo dad ka qaaday magaalada Mandhera.

Sida ay qortay warbaahinta Kenya Baska ayaa lagu weeraray degaanka Sarmani ee Mandhera, waxaana lagu dilay 3 qof oo rakaab ah iyadoo 5 kale lagu dhaawacay, halka tobanaan qof oo la socday ay ka cararreeen si ay uga baxsadeen weerarka Alshabaab.

Darawalkii Baska ayaa sheegay inuu ku jiro dadka ku dhaawacmay weerarka, waxaana Baska lahayd Shirkadda Moyale Raha company, isagoo ka tegay magaalada Mandera kuna sii jeeday Nairobi.

Ad

Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya, waxaana ay howlgallo badan ka fulisay Gobolka xeebta, Mandhera iyo Gaarisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON