Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab aya weerar gaadmo ah ka geystay duleedka degmada Balcad oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Weerarka ayaa ka dhacayalay waxa ay ku dagaalameen degaanka No. 20 ee u dhow egmada Balcad, waxayna dagaalamayaasha Alshabaab, halkaasi ku dileen laba askari oo ka tirsan ciidamda dowladda, waxaa sidoo kale lasoo weriyey qasaare soo gaaray Alshabaab.
Iyadoo Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay howlgal ka wadeen degaanada hoostaga degmada Balcad ayaa haddana waxaa weli socda weerarrada Alshabaab ku qaadayaan degaanada hoostaga degmada Balcad.