Friday, July 4, 2025

Alshabaab oo Weerar ku qaaday Kontarol laga ilaaliyo degmada Balcad & Faahfaahin laga helay

Maleeshiyada Alshabaab ayaa saaka weerar ku qaaday koontarool ciidan oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Dagaal culus oo labada dhinac dhex maray ayaa socday muddo saacad ku dhow, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inuu dagaalku dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, kadibna ay maleeshyadii Alshabaab dib u laabteen.

Dagaalka ayaa ka dhacay Koontaroolka ay ciidamada ku leeyihiin goob laga ilaaliyo degmada Balcad oo ku aadan jidka isku xira Balcad iyo Afgooye.

Rasaas habow ah ayaa laba caruur ah ku dhaawacday gudaha degmada Balcad, iyadoo ay jiraan qasaare kale oo dagaalku dhaliyey, waxaana uu saameyn xoog leh ku yeeshay degmada Balcad oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan maamulka Hirshabelle oo baaritaan ku haya xasuuqii degaanka Gololleey.

Alshabaab ayaa sheegatay inay weerar kula wareegtay muddo kooban bar Koontarol oo ciidamada dowladda ku lahaayeen Balcad, iyadoo aysan wax war ah kasoo bixin Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha Ciidamada Millateriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON