Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne.
Weerarka oo dhacay saaka aroortii ayaa la soo weriyay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay muddo kooban kula wareegeen barta Kala-beyr oo 20 KM u jirta magaalada Beledweyn, waxaana la soo weriyay in halkaasi lagu dilay ilaa shan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Sida ay sheegeen dadka Degaanka Alshabaab ayaa dib uga baxay degaanka Kala-beyr kadib markii ay waqti kooban ku sugnaayeen, waxaana xilli danbe gaaray gurmad ciidamo ka yimid magaalada Beledweyne.