Wararka laa helayo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar hoobiyaal ah xalay lagu qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmadaasi, iyadoo qasaare kala duwan ay dhaliyeen madaafiicdaasi.
Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo isku qoys ayaa ku dhaawacmay madfac ku dhacay gurigooda, waxayna qoyskan deganaayeen xaafada Xaawo Taako ee degmada balcad, iyadoo loola cararay isbitaal ku yaal Balcad, waxaana ka mida oday waayeel ah iyo canug yar oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray hoobiyaha ku dhacay gurigooda.
Kooxda Alshabaab ayaa madaafiic hoobiyeyaal ah oo shan la beegsaday saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin Balcad oo u dhow Warshadii Dharka Balcad, laakiin dadka degaanka ayaa soo weriyey in madaafiicda intooda badan ay ku dhaceen dhul bannaan ah oo u dhow Warshada.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa saldhig weyn ku leh degaanka Basra ee ka tirsan Balcad waxayan weerarro joogto ah la beegsataa wadadda isku xirta Balcad iyo Jowhar.