Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo xalay saqdii dhexe weerar nooc cusub ku galay degmada Afgooye

Kooxda Alshabab ayaa xalay weerar nooc cusub ah ku qaaday saldhjigga Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ay Doon ay webiga ku soo mareen ku yimaadeen gudaha degmada halkaasina ay weerarkooda ka fuliyeen.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Degmada Afgooye Yuusuf Maxamed Moordoow ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen Saldhigga Ddgmada iyo Guriga Guddoomiyha Degmada uu degan yahay.

Kharaasha weerarkaasi dhaliyay ayaa gaaraya  dhimasho iyo dhaawac dhowr 5 qof oo ciidamo u badan iyo gaadiid la gubay, wuxuuna ahaa weerar noocaasi ah kii ugu horeeyay ee Alshabaab ka geysato Afgooye. Dadka degaanka ayaa sheegaya in Alshabaab ay dhowr saacadood gacanta ku hayeen saldhiga degmada Afgooye intii aysan ka bixin markii dambe.

Alshabaab ayaa sheegatay inay xalay saacado la wareegeen degmada Afgooye oo qasaare ba’an ay gaarsiiyeen ciidamada, ayna gubeen dhowr baabuurta dagaalka ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON