Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday Hotelka Naasa-hablood 1 & Rasaas socota

Kooxda Alshabaab ayaa weerar qorsheysan oo lagu daah furay Qarax oo is miidaamin ah oo lagu dhuftay Hotelka Naasahablood 1, ee Muqdisho oo ku yaala isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Dadka ku dhow hotelka ayaa goobjooge.com u sheegay  in xaalada ay is bedeshay kadib qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan oo aan hore loo arag, kadibna dabley ay hotelka gudaha u gashay.

Rasaas xoog leh ayaa ka socota gudaha Hotelka, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in dhowr dabley oo Alshabaab ah ay weerar ku galeen hotelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Federaalka ayaa degdeg u tegay hotelka, waxaana socda howlgal xoog leh iyadoo ay xirmeen dhammaan degaanada ku xeeran hotelka.

Qaraxyo iyo rasaas xoog leh oo Ban gacmeedyo la dareemayo ayaa ka socota hotelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho, waxaana dableyda si weyn isaga caabiyay ilaalada hotelka oo dagaal adag dhex maray dableyda Alshabaab ee weerarka ku qaaday Hotelka.

Qarax

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON