Kooxda Alshabaab ayaa maanta fagaaraha degmada Saakow gobolka Jubbada dhexe xukun dil ah ku fulisay haweeney lagu eedeeyay gogol dhaaf, iyadoo dhagax lagu dilay.
Maxkamadda Alshabaab ee Jubbooyinka ayaa xukunkan oo ah Rajmi ah (dhagax dil ah) ku rida haweenay dan oo la sheegay inay fal zina ah ku dhacday iyadoo guur xalaal ah soo martay, iyadoo uu soo dacweeyay ninkii qabay oo lagu magacaabo Cali Ibraahim Cali.
Haweeneydda dhagaxa lagu dilay oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq ayay maxkamadda Alshabaab sheegtay ninka qabay u dhashay 10 carruur ah, iyagoo deganaa degmada Salagle.
Ninka soo dacweeyay ayaa ku eedeeyay inay u sheegtay inay magaalada Muqdisho u aadeyso safar qaraaba salaan ah, basle ay tagtay tuulo hoos timaada degmada Saakoow halkaasoo ay Nikaax sharci darro ah oo kale ku gashay, iyadoo guursatay nin kale.
Goobta xukunka lagu fuliyay waxaa la isugu keenay dadka magaalada ku sugnaa oo boqolaal gaaraya, waxaana xilka ku fuliyay maleeshiyada xarakada Al Shabaab.
Waa kiisii ugu yaabka badnaa ee dhowaanahan ay fuliyaan kooxda Alshabaab oo degaanada ay ka taliso ku soo rogtay shareecada islaamka.