Friday, July 4, 2025

Alshabaab oo xukun Toogasho degdeg ah ku fulisay saddex Qof oo lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan Dowlada

Alshabaab ayaa degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan meel fagaaro ah ku toogtay 3 nin oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa shaacisay magacyada saddexda qof ee lagu eedeeyay la shaqeynta dowladda Somalia iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Hiiraan, waxayna kala yihiin: C/qaadir Xasan Aadan oo 25 Jir ah, C/casiis Axmed Maxamuud oo 28 sano jir ah iyo Faarax Cali Jibriil oo 29 sano jir ah.

Dadka degaanka ayaas heegaya in Al-shabaab ay saddexdan nin ka soo qafaasheen degaanka Ceelcali oo dhowaan ay ku dagaalameen maleeshiyada Macwiisleyda iyo Al-shabaab, iyadoo dagaalka dhex maray labada dhinac lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamadda Alshabaab ayaa sheegtay in mid ka mida raggii lagu toogtay degaanka Buq Aqable lagu qabtay duleedka degmada Beledweyne isagoo sahay u siday ciidamada Itoobiya. Ma jirto cid xaqiijisay eedeynta Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON