Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qaraxa Ismiidaamin ah oo xoog leh lala beegsaday Saldhiga Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degaanka Janaale. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa oo uu Gudaha u galay Saldhiga.
Dagaal xoog leh ayaa qaraxa k dib ka dhacay ayaa la xaqiijiyay inay Al-shabaab kula wareegeen saldhiga Janaale. Ma cadda qasaaraha ka dhashay weerarka cusub ee Alshabaab, waxayse wararku degaanka sheegayaan in Al-shabaab la wareegeen qeybo ka mida Janaale ayna dileen Ciidamada Ugdan ee AMISOM.
Xaaladda ayaa weli kacsan wixii ka soo kordha faahfaahintooda la soco.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]