Kooxda Al-Shabaab ee degaanada Puntland, fadhigooduna yahay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa qabsaday Diyaarad nooca keligeed is-wada ha ee Drone-ka oo la sheegay inuu Mareykanku leeyahay.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa Baahiyay in Diyaaraddu kusoo dhacday Buuraha Golis ee Calmadow, markii ay in muddo ah halkaasi dul haadeysan, waxaana la wareegay dagaalyahannada Alshabaab ee degaankaasi ka dhowaa.
Diyaarada soo dhacday ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay xubno ka tirsan Alshabaabka W/Bari, iyagoo shaaciyay inay tahay diyaarad basaas oo Mareykanku leeyahay. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mareykanka iyo taliska ciidamadiisa Africa ee AFRICOM.