14-qof ayaa xaqiijiyay in lagu dilay 10 ruux oo kalena lagu dhaawacay weerar kooxda Al-shabaab xalay ku mireen xaafad ka tirsan degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha Mandheera, Alex Ole Nkoyo ayaa sheegay in weerarku dhacay xalay saqdii dhexe kadib oo lagu waaday xaafada Soko Mbuzi. Al-shabaab weerarkooda ayaa lala beegsaday goob dad shaqaake ah oo kaawada qoda ay jiifeen oo teendhooyin waxayna ku tuureen bam gacmeedyo iyagoo kadibba rasaas ooda uga qaaday.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay baxsadeen, halka Booliska Kenya ay sheegayaan inay baaritaan bilaabeen. Taliyaha booliiska Mandhera, Job Boronjo ayaa Sheegay in mid ka mid ah Guryaha la weeraray lagu arkay waxyaabaha qarxa oo sifeyn lagy hayo.
Kenya ayaa weli la halgameysa weeraro ay kooxda Alshabaab ka fuliso gudaha dalkaasi oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya, waxaana uu weerarkan imaanayaa iyadoo la filayay inay bishan Ramadaan kooxda Alshabab sii xoojiso weerarada ay ka geysaneyso gudaha Kenya.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]