Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo baahisay sawirradii ugu horeeyay ee weerarka saldhiga Mareykanka ee Lamu (Diyaarado lagu gubay )

Alshabaab ayaa si degdeg ah u baahisay muuqaaladii ugu horeeyay ee weerarka ay saaka aroortii ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Mareykanka ku leeyihiin Gobolka xeebta ee Lamu.

Muuqaallada ayaa waxaa ka muuqda diyaarado gubanaya iyo dagaalyahannada Alshabaab oo hortooda sawirro isaga qaadaya, waxaana muuqat in Alshabab ay ugu yaraan gudaha u galeen qeyb ka mida saldhigga Camp Simba.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerarkaasi ay dib u celiyeen, ayna dileen afar ka mida maleeshiyada Alshabaab, halka Alshabaab ay caddeysan inay ka dhex dagaalmeyso saldhigga isla markaana ay qasaare weyn gaarsiisay.

Dhinca kale taliska ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyey inay ka war hayaan weerrka lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka iyo Kenya ee Lamu, ayna xaaladda isha ku hayaan wixii soo kordhana ay shaacin doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON