Wednesday, June 25, 2025

Alshabab oo bambooyin ku weerartay guriga Guddoomiyaha degmada Baraawe

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xasan Barre Maxamed ayaa sheegay in nin ka tirsan Alshabaab oo xalay isku dayay inuu bambooyin ku weeraro gurigiisa iyo saldhiga ciidanka toogasho lagu dilay.

Askarigan ayaa wararku sheegayaan inuu saqdii dhex ee xalay qarsoodi u soo galay magaalada kadibna uu abaaray guriga guddoomiyaha Degmada Baraawe, halkaasoo ciidamada ay ka shakiyeen kadibna isku dayay inuu baxsado, taasoo keentay in rasaas ay ku fureen ciidamada.

Ninkan ayaa u dhintay rasaastii lagu furay, wuxuuna guddoomiyaha Degmada Baraawe  uu sheegay in ciidamada ilaalada u ah kuwa milateriga ay dileen ninakaasi  oo magaalada ku dhuumaaleysanayay dhowaanahan.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON