Monday, June 23, 2025

Alshabab oo Bayaan kasoo saartay Weerarka Yuhuudda ku heyso Marinka Gaza iyo digniin ay dirtay

Xarakada Alshabaab ee Soomaaliya ka howlgasha, kana tirsan ururka Al-qaacida ayaa bayaan kasoo saartay dagaalka Yuhuudda ku qaaday Marinka Gaza.

Bayaanka oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska ayaa lagu cambaareeyay weerarka qaawan ee Israa’iil ku heyso marinka Gaza iyo tacadiga ay ka geysatay Masjidka Al-aqsaa ee magaalada Qudus, iyadoo lagu bogaadiyey kaalinta iyo jihaadka ay ku jiraan shacabka reer Falastiin.

“Xitaa haddii masaafada ay aad nooga fog tahayn, waxaan ka dagaallameynaa Bariga Afrika annagoo indhaheena ku jeedan Guriga Barakaysan (Qudus) ee astaanta u ah jihaadka” ayaa lagu yiri qoraalka Alshabaab.

Alshabaab waxay ku baaqday in la bartilmaameedsado danaha Mareykanka iyo Reer Galbeedka, loona gargaaro walaalaha Falastiin oo lagu taageero ciidan, hanti ama duco.

Waxaa bayaanka Alshabaab si weyn loogu cambaareeyay madaxda dalalka islaamka oo la sheegay inay raacsan yihiin Gaallada, kana aamusan yihiin xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON