Kooxda Alshabaab ayaa markii ugu horeysay filim muuqaal ah ka sameysay dilalka qorsheysan ee ay ku heyso mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.Muuqaalka oo lagu baahiyey Warbaahinta Alshabaablagu soo badnhigay weerarrada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada loo dhigo saraakiisha ciidamadooda Amniga ee intooda badan ka dahca Magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.
Alshabaab ayaa kooxda falalka khaarijinta ah fulisa ugu magac daray Maxamed Bin Maslama, waxaana ku jira dhoolatus ay sameynayaan ciidamo loo tababarray dilalka khaarijinta ah, kadibna waxaa kasoo muuqday saraakiil iyo mas’uuliyiin ay ku jiraan xildhibaanno maamul goboleedyo oo la khaarijiyey.
Waxaa filimka ka dhex muuqda Qarax ka dhacay Gobolka Sh/hoose oo lagu dilay Xildhibaan C/Qaadir Baraf oo ahaa wasiiru dowlihii amniga ee Koonfur Galbeed iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Axmad Cabdi Faarax Kaboweyne oo ka tirsanaa baarlamaanka Hiirshabeelle.
DAAWO SAWIRRO