Xarakada Al-shabaab ayaa qiratay in 14 askari looga dilay weerarkii ay ku qaadeen saldhigga AMISOM ee degaanka Buulomareer ee Gobolka Sh/hoose.
Afhayeenka howlgallada Alshabaab ayaa sheegay in 59 ka tirsan ciidamada AMISOM ay ku dileen weerarka oo ku bilowday is-miidaan, dhinacoodana looga dilay 14 maleeshiyo, laakiin Dowladda Uganda ayaa dhinaceeda sheegtay in 4 askari looga dilay weerarkii saaka.
Meydad fara badan oo Alshabaab ka mida ayaa lagu arkay goobtii uu dagaalku ka dhacay, waxaana muuqata in weerarka Alshabab oo ahaa mid qorsheysan si weyn loogu diyaar garoobay oo dib loo waabiyey, qasaare ba’anna lagu gaarsiiyey kadib markii la helay xog ku saabsan dhaqdhaqaaqooda.
Weerarka ayaa la sheegay in Al Shabaab oo ay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo ay AMISOM ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer iyo tuulada Golweyn.
Weerarro kale ayaa laga soo sheegayaa Qoryooley iyo buundada Mashallay. Waxaa kale oo la sheegay in Al-Shabab ay hoobiyayaal ku tuureen saldhig kale oo ay AMISOM leedahay.