Friday, March 29, 2024

Alshabab oo shaacisay inay weerar yaab leh ku afduubatay Askari ka tirsanaa Ciidamada DANAB, mid kalena..

War ay faafiyeen warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa lagu sheegay in howlgal yaab leh oo ay fuliyeen maleeshiyo ka tirsan Alshabab ay ku qafaasheen askari ka tirsan cidiamada kumaandooska Somalia ee Danab.

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Sh/Hoose; sida ay sheegatay Alshabab maleeshiyada Alshabab oo weerar gaadmo ah ku qaadayo koontaroolka ay ciidamadaasi ku sugnaayeen ayna hakaasi ku dileen askari ka tiran ciidamada Danab, hal kalena ay nolosha ku qabteen oo ay qafaasheen.

Weerarka nooca cusub ah ayaa Alshabaab sheegatay inay ku bartilmaameedsatay ciidamada Mareykanku tababarro ee Danab oo culeys weyn ku haya joogitaanka Xarakada ee Gobolka Sh/Hoose, waxayna dhowaanahan weeraro qaraxyo isdaba joog ah ku qaadeysay ciidamadaasi.

Ad

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weerarka ay sheegatay Alshabaab ee ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON