Sunday, July 13, 2025

Alshabab oo sheegatay Dilkii Magaalada Muqdisho lagu khaarijiyey Xeer ilaaliye ku-xigeenka…

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka xeer ilaaliyiha Qaranka oo saaka lagu toogtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho xilli uu ku socday shaqadiisa.

War kasoo baxay xarakada Shabaab ayey ku sheegtay dilka Maxamed Mursal oo ka tirsanaa xafiiska xeer ilaalinta dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii gaari uu watay lagu weerarray oo la toogtay, gaarigiina laga qaatay.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsanaa xeer ilaalinta..” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Alshabaab, sida lagu baahiyey warbaahinta Alshabaab.

Ciidamada Amniga dowladda ayaa sheegay inay heleen gaarigii uu watay xeer ilaaliye ku xigeenka, inkastoo aan lagu guuleysan in lasoo qabto raggii geystay dilkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON