Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in duqeyn ay ku qaaday Saldhigga ciidamada Mareykanka maamulaan ee Ballidoogle, Gobalka Shabeelaha Hoose ay ku dileen askar Mareykan ah.
War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka duqeynta ah ay ku dileen sedex askari oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee ku sugnaa saldhigga Ballidoogle, waxayna intaas ku dareen faahfahin ku saabsan askarta ku dhintay weerarkaasi oo dhacay Jimcihii.
Alshabaab waxay shegtay in taliyihii heystay saldhigga Ballidoogle oo magaciisa lagusoo gaabiyay G.Four uu ka mid ahaa askarta ku dhimatay weerarka duqeynta ah, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 8 askari oo ka tirsan ciidamada Soomaalya.
Sheegashada Alshabaab ayaanay jirin cid xaqiijisay, waxaana mararka qaarkood ay soo saaraan warar aan hubneyn oo loo adeegsado dacaayad dagaal ahaan. Taliska Mareykanka aya xaqiijiyey duqeynta, wuxuuna beeniyey inay wax qasaare ah ka dhasheen.