Saturday, July 12, 2025

Alshabab oo weerar Gaadmo ah ku qaaday Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, duleedka Balcad & Wararkii…

Wararka laga helayo Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah ay maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen kolonyo ciidamada Burundi ka tirsan oo ku socdaalayey jidka isku xira Balcad iyo Jowhar.

Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka degmada Balcad meel u dhow degaanka Gololey isla goobtii saaka ay miinada kula qaraxday mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo laba ka mida ay ku dhinteen, waxaana wararku sheegayaan in Dagaal xoog leh uu dhex maray ciidamada Brundi iyo maleeshiyada Alshabaab, iyadoo uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Alshabaab oo war degdeg ah soo saartay ayaa sheegtay inay weerarka oo ahaa jidgooyo ku dileen 7 askari oo ka mida ciidamada Brundi ee ka tirsan AMISOM, laakiin ma jiro war kasoo baxay AMISOM iyo cid kale oo xaqiijisay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON