Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar kedis ah ku gashay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo qabsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Lama shaacin qasaaraha weerarkaasi, waxaase la sheegay in Alshabaab ay saacado ku sugnaayeen saldhiga iyo agagaarkiisa oo rasaas badan ay halkaasi ka dhacday.
Waa weerarkii saddexaad ee Alshabaab habeenimo ku galaan degmada Afgooye, iyadoo ay sii kordhiyeen dagaalada gaadmada ah ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha hoose.
Goobjooge.com