Kooxda Alshabaab ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Nabadoon iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu soo eedeeyay inay ka baxeen diinta..
Toogashada ayaa ka dhacday shalay galabnimadi fagaare ku yaalla degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/Hoose, waxaana dadka la toogtay ka mida nabadoon la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo xusahy xildhibaanada Baarlamaanka Federalka.
Nabadoonka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad Tifow Xaydar ayaa ahaa 60 sani jir ku nool tuulada Kabkab ee degaanka Jasiira, waxayna Alshabaab sheegtay inuu soo xulay xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Waxaa kaloo la toogtay Mahad Cabdullaahi Abuukar oo 29 sano jir ah iyo Maxamuud Faarax Aadan oo 28 sano jir ah oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.