Amar kasoo baxay Taliyaha Milateriga oo lagu dilay 6 Qof oo lagu tuhunsanaa Alshabaab [Akhriso Magacyada]

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee magaalada Baardheere ayaa toogtay lix qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen kooxda Alshabaab.

Dadkan ayaa la toogtay iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin, waxayna sheegeen ciidamadii dilkooda geystay inay fuliyeen amarka taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ahaa in Alshabaabkii la qabto hore laga toogto [Akhriso Warkan].

Lixda qof ee la dilay ayaa gacanta ciidamada dowladda ee Baardheere ku jiray muddo 5 Bilood ah, waxaana uu sheegay Taliyaha ururka 49-aad, Guutada 10-aad ee Gobolka Gedo Taliyaha Faarax Maxamed Turbac in amar ay bixiyeen Taliyaha Xoogga iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo ahaa in Alshabaab meeshii lagu qabto ay Maxkamad u tahay, ayna dilka ku fuliyeen iyagoo fulinaya amarkaasi.

Ad

Magacyada dadka lagu toogtay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxay kala yihiin:

1- Saleebaan Maxamed Sheekh
2- Maxamuud Maxamed Buulle
3- Maxamed Cabdi Cali
4- Maxamed Yuusuf Isaaq
5- Aadan Carrabeey Xalane
6- Maadeey Xaaji Macalin

Dadka qaar ayaa sheegay in dadkan oo laga qabtay magaalada Baardheere looga shakisnaa inay ka tirsan yihiin Alshabaab oo ay falal amni darro ah geysteen, iyadoo aysan jirin cid ku caddeysan waxayna ahaayeen 9 qof oo saddex ka mida lasii daayey.

Taliye Indha-Qarshe: “Alshabaabkii la qabto waa la tooganayaa, naxariistii waa naga dhammaatay..”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,753FansLike
798FollowersFollow
2,965FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!