Tuesday, July 15, 2025

Amar laga soo saaray Gaadiidka sumad la’aanka ah ee lagu wato Magaalada Muqdisho [Akhriso]

Shir ay yeesheen Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga ayaa laga soo saaray amarro ku saabsan gaadiidka sumad la’aanta ah ee lagu dhex wado magaalada Muqdisho.

Shir ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska Jenaraal Kaahiye ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha Ammaanka iyo ka hortagga Gaadiidka aan sumad lahayn (taariko la’aanta) ee adeegsada waddooyinka magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa laga soo saray amar ku saabsan inaan magaalada lagu dhex wadan karin gaadiidka aan taarikada lahayn. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Dawlad dhexe inay u hoggaansanaadaan awaamiirta wadajirka ah ee lagu hubinayo gaadiidka, taas oo lagaga hortagayo falalka amni darrada ah.

Kulanka Waxaa Guddoomiyaha Gobolka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo saraakiil ka socotay hoggaanada kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON