Tuesday, July 1, 2025

Amar lagu bixiyey inay Ciidamada Dowladda ay Nolol & Geeri ku keenaan maleeshiyo dagaal Beeleed ka wada…

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa amar ku bixiyay in Ciidamada dowladda ay Nolol ama geeri ku keenaan cid waliba oo dhibaato geysata.

Isagoo la hadlayey ciidamada Danab ee ku sugan degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayuu sheegay in qofkii lagu soo qabto dhibaateynta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed uu dhiigiisa wax kasoo qaad lahayn.

“Maanta aan nagu nimid wixii ka danbeeya ciidamada Danab waxay amar ku qabaan qofkii dhibaateyneysa nafta iyo hantida muwaadiniinta iyo qofkii difaaceysa inay nool iyo geeri ku keenaan, annagana waxaan diyaar u nahay inaan ku dil akhrino inuu dhiigiisa hadur (Waxba kama jiraan) ahaa..” ayuu yiri gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowaan dhacay dagaal beeleed oo keenay aargoosi iyo dilal argagax leh oo loo geystay dad shacab ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON