Ciidamada Booliska Federaalka Itoobya ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo 10 sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada Booliska magaalada Addis ababa, kuwaas oo lagu soo eedeeyay qiyaano qaran.
Saraakiishan oo hore uga tirsanaa Booliska Caasimadda Itoobiya ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay gacansaar la lahaayeen madaxda Gobolka Tigray iyo inay halis ku ahaayeen amniga iyo nabadgelyada, waxayna magacyadooda kala yihiin:
1. Commander Solomon Abrha Bisrat
2. Commander Hailemariam Berhane G/ Mariam
3. Deputy Inspector Kibrom Gebru G/ Egziabher
4. Deputy Inspector Aregawi G/ Hiwot Asfaw
5. Assistant Inspector Geza’e G/Hiwot G/Silassie
6. Assistant Inspector Tesfa Kiros Gidey
7. Assistant Inspector Araya G/ Anania Kidanu
8. Assistant Inspector Solomon Wolay W/Abzgi
9. Chief Sergeant Hailay Woldu G/Mariam
10. Chief Sergeant Haftu Kahsay
Dowladda Itoobiya ayaa hay’adaha amniga dalkaasi ka sifeyneysa saraakiisha xiriirka la leh Tigray oo muddo 30 sano ah ka talinayey dalka Itoobiya.
