Golaha Amniga Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro ku saabsan amniga caasimadda Muqdisho.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa looga hadlay xaaladda Amniga Gobolka, dhulalka iyo Go’aanada Maxkamaddaha.
Golaha Aminga G/Banaadir wuxuu walaac ka muujiyay sida sharciga fulintiisa ay mar walba u hirgelin ee loo hareer maro, waxaa kale oo uu Goluhu isku raacay in tallaabo laga qaado Baabuurta sida khaldan u adeegsada wadooyinka iyo baraha ciidammada qaar oo la sheegay in lacago shacabka looga qaado.
Kulanka Golaha Amniga Banaadir ayaa laga soo saaray qoddobada soo socda:-
1. Goluhu wuxuu farayaa in la ilaaliyo sharciga wadooyinka ciddii jebisana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.
2. Waxaa ciidamada la farayaa ciddii lagu arko iyaddoo lacago laaluush ah ka qaadaneysa shacabka iyo ganacsatada baraha ciidanka, in isla meesha talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.
3. Waxaa dhammaan madani iyo ciidanba la farayaa in loo wajaho sida ay tahay go’aamadda sharciga waafaqsan.
4. Golaha wuxuu isku raacay in si wadajir ah loo la xisaabtamo ciddii ka hortimaada go’aannada sharciga waafaqsan ee ku aaddan dhulalka iyo guryaha la isku heysto.
5. Waxaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ciidammada amniga lagu wargalinayaa in arrimaha dhulalka iyo guryaha la isku heysto inay lasoo xiriiraan Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/hoose ee Muqdisho.
6. Go’aannada hay’adaha Amniga Gobolka waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Gobolka Banaadir, haddii ay jirto xaalad deg-deg ah, waxaa la isugu yeerayaa Golaha waqti kasta si loo wajaho xaaladda amni ee jirta.