Sunday, July 13, 2025

Amarro lagu soo rogay Dadka soo gelaya magaalada Muqdisho & Tallaabooyin Amni oo la qaaday [Akhriso]

Ciidamada xasilinta ammaanka Muqdisho ayaa sii adkeeyay howgallada dhinaca ammaanka ah ee ay ka wadaan Caasimadda.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay su’aalo weydiiyaan dadka soo gelaya magaalada oo ay ka mid tahay inay cid ka garanayaan magaalada oo damiin ka noqota, waxaana la sii xoojiyay baaritaanka gaadiidka soo galaya caasimadda.

Gaadiidka Khudaarka ka keena laba gobol ee Shabeelooyinka ayaa lagu soo rogay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo oo aanay geli karin caasimadda, waxaana lagu celiyaa koontaroolada laga soo galo magaalada.

Howgalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo laga soo baxay bishii Ramadaan laguna dhex jiro toddobaadkii xoriyadda, waxaana magaalada ka socda diyaargarowga xuska 1-da Luulyo ee sanadguuradii 57-aad xoriyadda Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Waqooyi iyo Koofur oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waddooyinka magaalada Muqdisho ayay ciidamadu  baarayaan dadka iyo gaadiidka, kadib markii la xiray wadooyinkii xaafadaha oo keentay ciriiriga maritaanka wadooyinka waaweyn.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON