Amarro cusub oo lagu xoojinayo Amniga ayaa lagu soo rogay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, kadib weerarkii maleeshiyada Alshabaab dhowaan ku qaadeen Hotel SYL.
Wararka ayaa sheegayaa in ilaalada Madaxtooyada ay diideen inay gudaha u galaan madaxtooyada askarta ilaalad ah ee la socota mas’uliyiinta dowladda intooda badan, kuwaasoo lagu amray inay ku sugaan koontaroolka ugu horeeya ee ay ka gelayaan Madaxtooyada.
Amarkan ayaa saameyn kuy yeeshay mas’uuliyiin badan oo ay ku jiraan wasiirada xukuumadda, waxa kaliya ee laga reebay ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha, waxayna arrintan dhaisay in Koontaroolada laga galo Madaxtooyada ay ciidamo fara badan kay dhoobtaan, halka madaxda qaarkeed ay dib uga laabaneysay amarkan cusub.
Alshabaab ayaa marar badan weerartay Xarunta Madaxtooyada iyo xarumaha u dhow, laakiin weerarkii ugu danbeeyay ee Hotel SYL oo loo fuliyey qaab ka duwan kuwii hore ayaa keenay in tallaabooyin hor leh oo amni lagu soo kordhiyo Madaxtooyada Soomaaliya.