Sunday, July 13, 2025

Amiir ka tirsan Qoyska Boqortooyada Sacuudiga oo ku geeriyooday Shil Diyaaradeed

Warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaa sheegeysa in amiir ka tirsan boqortooyada dalkaasi iyo dhawr sarkaal oo kale ay ku dhinteen diyaarad ku bururtay meel u dhow xudduudda uu dalkaasi la wadaago dalka Yeman.

Diyaaradda burburtay ayaa lagu sheegay in ay tahay nooca qumaatiga u kaca ee heelikobtarka loo yaqaan, waxayna ku burburtay meel u dhow magaalada Abhaa ee ku taal koonfurta dalkaasi.

Amiirka oo lagu magacaabo Mansuur Bin Muqrin ayaa ahaa ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Casiir, waxaana dhalay dhaxal sugihii hore ee dalkaasi Muqrin Al-Sacuud, iyadoo ay la socdeen saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo shilka ku dhintay.

Amiir Mansuur Bin Muqrin
Amiir Mansuur Bin Muqrin

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in diyaaraddu ay burburto. Sucuudiga ayaa hormuud u ah xulufo caalami ah oo dagaal kula jiro maleeshiyaadka fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yaman.

Milatariga dalkaasi Sucuudiga ayaa maalintii sabtiga ahayd waxa uu toogtay oo uu soo riday gantaal laga soo riday dhanka dalka deriska ah ee Sucuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON