Tuesday, June 24, 2025

Amiirada & Maalqabeenada lagu xiray Sacuudiga oo lacag ku iibsanaya cafis loo fidinayo

Inta badan dadkii uu Sacuudigu u xirxiray hawlgalkii musuqmaasuq la dagaalanka ayaa ogolaaday in ay afgarad sameeyaan si ay xukuumadduna u cafiso, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud e Sacuudiga.

Dad badan oo caan ah oo ay ka mid yihiin amiirro, wasiirro iyo ganacsato ayaa la xirxiray bishii hore. War qoraal ah oo dawladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in su’aalo loogu yeeray 320 ruux haddana ay xiran yihiin 159 ruux oo dadkaas ka mid ah.

Dadka diiday eedaymaha loo soo jeediyay ama ka madax adayga in ay afgarad sameeyaan oo meel dhexe la isugu yimaado ayaa wajihi doona maxkamadayn.

Dadka ilaa iyo hadda la hayo ayaan magacyadooda wali la shaacinin, laakiin toddobaadkii hore waxaa is afgarad la aqbali karo lagu sii daayay amiir Miteb bin Abdullah oo mar ahaa nin u sharaxan in la boqro, wuxuuna bixiyay in ka badan hal bilyan oo doolar.

Xukunnada dadkaas loo adeegsaday ayaan caddayn balse xeer ilaaliyaha guud wuxuu sheegay in la raacay “nidaam caalami ah”. Maxaabiista waxaa lagu xiray huteel ay dagi jireen dadka ladan oo ku yaalla magaalada Riyadh.

Dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa diiday in ay arrintani tahay mid aan loo qiil dayi karin, dadka arrintan falanqeeyana waxay qorshahan musuqmaasuq ladagaalanka ku tilmaamee awood maroorsi.

Amiir Maxamed oo 32 jir ah lehna dhaxalka boqortooyada ayaa madax ka ah guddiga musuqmaasuq la dagaalanka waana wasiirka difaaca ee Sacuudi Carabiya, wargeyska New York Times ayuuna u sheegay in dadka uu xirxiray ay horayba u shaaciyeen in ay la jiraan isaga.

Dad badan oo shacabka Sacuudiga ka mid ah ayaa soo dhaweeyay tallaabadan lagula dagaalamayo musuqmaasuqa waxayna rajaynayaan in dadka dib loogu celiyo dhaqaalaha badan ee dalku uu ka helo shidaalka uu hodanka ku yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON