Tuesday, July 1, 2025

Amiirka Dalka Qatar oo Casuumaad u fidiyey Ra’iisal wasaaraha Somaliya iyo Ujeedka safarka Rooble

Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa casuumaad u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaariinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal wasaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar, iyadoo socdaalkiisa uu maanta ka bilaabanayo dalkaasi oo si weyn u taageera dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa ujeedkiisa socdaalka Ra’isul wasaaraha ee dalka Qatar ku sheegay sii xoojinta cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo magaalada Doha wuxuu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa saaxiib la hayd Dowladda Soomaaliya, iyadoo si gaara u taageeri jiray madaxweynaha xlkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

May be an image of 4 people, people standing, suit and outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON