Amiirka Dalka Qatar oo Safiir aan caadi ahayn u soo magacaabay Soomaaliya [Akhriso]

Amiirka dalka Qatar ayaa Safiir u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo dalkaasi uga wakiil noqon doona Soomaaliya.

Wareegto maanta kasoo baxday Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-thani  ayaa loogu magacaabay Xasan Xamza Asad Haashim inuu noqdo safiir aan caadi ahayn oo dalka Qatar u qaabilsanaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa dhaqan galaya isla maalinta la soo saaro oo ahayd maanta, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya safar rasmi ah ku tago dalka Qatar.

Safiirka aan caadiga ahayn (Ambassador Extraordinary- سفيرا فوق العادة)   ayaa ah mid awood badan oo xaq u leh inuu heshiisyo ku geli karo dowladda uu metelayo, wuxuuna awood ahaan ka sareeyaa safiirada caadiga ah ee dalalkooda u fadhiya dowlaha kale.

Qatar ayaa ka mida dalalka Khaliijka ee ku loolamaya xaaladda Soomaaliya, waxaana dhowaan xumaaday xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya, kadib markii shirkadda DP World ay heshiiska dekadda Berbera ku soo biirisay dalka Itoobiya.

Qatar ayaa lagu wadaa inay heshiisyo dhowr ah la saxiixato Soomaaliya, iyadoo kordhin doonta taageerada dhaqaale ee ay siineyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,933FansLike
554FollowersFollow
2,433FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,933FansLike
554FollowersFollow
19FollowersFollow
2,432FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!