Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa maanta booqashao rasmi ah oo laba maalmood ah uga bilaabatay dalka Masar.
Amiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Masar Abdifatah Al-sisi iyo mas’uuliyiinta dowladda Masar oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare.
Amiirka Qatar ayaa la sheegay inuu casuumaad uu ka helay madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi. Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa shaaciyey in booqashada Amiirka Qatar ay ku saabsan tahay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyo kala duwan, sidoo kalena laga wadahadli doono horumarrada la xiriira siyaasadda gobolka iyo tan caalamiga ah.
Masar ayaa ka mid ahayd dalalkii uu Sacuudigu hoggaaminayey ee xiriirka u jaray dalka Qatar, kana go’doomiyey Dhulka, Badda iyo Cirka, balse waxaa dhammaanay xiisadii Khaliijka, iyadoo xiriirka dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay soo celiyeen xiriirkii dalka Qatar.
