Amiirkii dalka Kuwait Sabaax Aljaabir Alsabaax ayaa goor dhoweyd la shaaciyey inuu geeriyooday, isagoo da’diisu ahayd 91 sano.
Warbaahinta Kuwait ayaa lagu shaaciyey Amiirkii dalka Kuwait uu ku geeriyooday dalka Mareykanka 4:00 Galabnimo, isagoo in muddo ah xanuunsnayey, isla markaana xilka dalkaasi qabtay sanadkii 2006, wuxuuna ahaa nin da’ ah oo dalkaasi si dhexdhexaad ah u hoggaaminayey, dadaal badanna u galay dhexdhexaadinta khilaafaadka Khaliijka iyo dagaallada Yeman.
Amiirka geeriyooday ayaa ahaa amiiikii shanaad ee hoggaamiya dalkaasi yar ee Khaliika ku yaalla hodonkana ku ah saliidda. Waxaa lagu xusuusaa inuu muddo 40 sano ahaa Wasiirka Arimaha dibadda dalka Kuwait, kadib wuxuu noqay madaxa xukuumadda sanadkii 2003 intii aan loo caleemo saarin Amiirka dalkaasi 2006.
Kuwait waxay uga duwan tahay dalalka kale ee Khaliijka iyadoo leh Baarlamaan qeyb ka mida la doorto, waxaana la ka jira dimoqraadiyad aysan heysan dalalka kale e Gobolka.
Amiirka leh dhaxalka dalkaas Nawaf Alamed Aljabir Alsabax oo horeba qeyb ka mida awoodda u hayey ayaa la wareegi doonaa xukunta dalka Kuwait, iyadoo dalkaasi uu ku dhawaaqay baroordiiq socon doonta muddo 40 maalmood ah.
