Qaar ka mida Amiirada iyo Maalqabeenka ugu qanisan uguna saameynta badnaa dalka Sucuudiga ayaa la sii daayay Hotel ay xabsi ahaan ugu jireen, kaddib markii ay bixiyeen Dhaqaale ay isku furteen.
Raggan ayaa lagu soo qabtay howlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa lana bilaabay Nofeembar 2017. Waxayna ka mid yihiin in ka badan 200 oo amiir, bilyaneerro iyo saraakiil lagu hayay hoteelka Ritz Carlton ee magaalada Riyaad, kaas oo lagu wado in dib loo furo 14-ka bisha Febraayo.
Dhaxalsugaya Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan ayaa rajeynaya in dhammaadka howlgalkan uu ka helo dhaqaale dhan 100 Bilyan oo doolar oo si baad ah looga qaaday Amiirada iyo maalqabeenada la xiray.
Dadkan awoodda badan ee la soo daayay ayaa waxaa ka mid ah Waalid Al-Ibraahim oo ah milkiilaha taleefishinka Carbeed ee MBC ee ah midkii ugu horreeyay ee si gaar ah loo leeyahay.
Lama shaacin faafaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska kama dambeystii ay mas’uuliyiinta waddankaasi raggaasi ku sii daayeen. Balse waxaa jira warar sheegaya in ninkaasi lagu sii daayay saamiga uu ku leeyahay taleefishinka MBC, kaas oo ah midka weli ugu ballaaran shirkadaha warbaahinta ee ka jira Bariga Dhexe.
Saddex qof oo kale oo caan ah ayaa sidoo kale ka mid ah ragga la sii daayay kaddib markii heshiis lala galay. Waxaa ka mid ah Khaalid Al-Tuwaijiri, kaas oo mar madax ka ahaa maxkamadda boqortooyada xilligii Boqor Cabdallah.
Dadka weli aanan heshiiska gelin ee xabsiga loo taxaabi rabo waxaa ka mid ah ninka qaniga ah ee Alwaleed bin Talal kaas oo diiday in xoriyaddiisa uu ku iibsado inuu bixiyo lacago badan.