Sunday, July 13, 2025

AMISOM miyaa xirtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho..? [Akhriso Jawaab kasoo baxday]

AMISOM ayaa si kulul u beenisay in la xiray Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde iyo xaaladda amni ee saldhigga ugu weyn  ee AMISOM ku leedahay Muqdisho ee Xalane.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM Wilson Rono ayaa sheegay inaysanwaxba ka jirin wararka sheegaya weerar Al-shabaab ku soo qaadayaan Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna caddeeyay in ammaanka Garoonka iyo xarunta Xalane ay sugan oo la isku haleyn karo.

Wuxuu sheegay Afhayeenka inuu si caadi ah u shaqeynayo garoonka Muqdisho, isla markaana aanay jirin in shaqadiisa la joojiyay ama la joojinayo, wuxuuna intaas ku daray in wararka ku saabsan in Alshabaab weerar ku yihiin Garoonka Muqdisho aanay soo gaarin, kana war heynin AMISOM.

Warar is daba joog ah ayaa ka soo baxay xaaladda ammaanka Xalane iyo Garoonka Muqdisho, iyadoo AMISOM ay muddo 5 maalmood ah ku dhawaaqday in la xirayo Xerada Xalane, iyadoo la fuliyo howlgal ammaan oo diiwaangelin iyo hubin isugu jira.

Goobjooge

 

AMISOM oo joojisay dhammaan shaqooyinkii ka socday Xalane & Amarro ay soo saartay [Akhriso]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON