Wednesday, June 25, 2025

AMISOM oo Damaanad qaad kasoo saartay Shirka Afisyone (War-saxaafadeed degdega iyo Francisco Madeira)

Midowga Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa soo caawa saqdii dhexe soo saaray qoraal uu ku caddeeyay in Amniga shirka Madaxda Soomaaliya ay damaanad qaaday AMISOM.

War-saxaafadeedka ayuu Wakiilka Midowga Afrika ku sheegay inuu maanta la kulmay madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur, isla markaana ay Telefoonka ku wadahadleen madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Laftagareen ayna ka wadahadleen arrimaha la xiriira Amniga xerada AMISOM and nabadgelyada ka qeyb glayaasha shirka qorsheysan ee madaxda Soomaalida.

Wuxuu sheegay in arrimaha farsamada iyo Amniga shirka la dhammeystiray. “Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa damaanad qaadaya Amniga shirka ka hor iyo kadib..” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Danjire Madiera wuxuu madaxda Soomaalida u ballanqaaday in AMISOM iyo taageerayaasheeda ay qaaden tallaabooyin lagu xaqiijinayo inuu shirku ku dhaco s nabad ah oo degan, ka qeyb galayaashuna ku dareemi doonaan.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON