Amar kasoo baxay AMISOM ayaa lagu xiray albaabadii laga geliyay xerada ugu weyn ee Xalane, marka laga reebo hal irid oo qura, kadib isbedel dhinaca amniga ah oo lagu sameeyay xeradaasi.
Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu shaaciyey in isbedel lagu sameeyey qaabka loo geli jiray xarunta dhexe ee ciidamada Xalane oo saaran garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna AMISOM ku dhawaaqday inay xirtay dhammaan albaabada laga galo xerada Xalane, marka laga reebo irida Medina Gate ee xigta dhanka Galbeed, kasoo si weyn loo ilaaliyo.
AMISOM ayaa caddeysay in la xiray dhammaan wadooyinka kale soo gala Xalane sida Isbitaalka Bukaan socod eegtada ee Xalane ku yaalla iyo irdaha kale ee garoonka Muqdisho dhex geli jirtay xeradooda.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay in sidoo kale dib loogu qiimeynayo dadka heysta kaararka gelista Xalane, waxayna qeyb ka tahay adkeynta amniga xarunta weyn ee AMISOM oo dhowr jeer oo hore ay Alshabaab isku dayeen inay galaan, marna ay ka dhex dagaalameen.