Sunday, July 13, 2025

AMISOM oo ku dhawaaqday Qorshe cusub oo Dib u habeyn ah oo Itoobiya ka dambeyso

Taliska ciidamada AMISOM, ayaa sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habeynayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.

Madax hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya ay la wareegi doonaan howlgalka AMISOM iyagoo wax ka bedelka howlgalka AMISOM uu hadda bilowday  si dhabaha loogu xaaro Itoobiyaanka.

Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON