Friday, July 18, 2025

AMISOM oo lagu kordhiyey Ciidamada Xasilinta Caasimadda & Howlgallo culus oo ka bilaabanaya Muqdisho [Sawirro]

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo nooleysay ciidamadii xasilinta caasimadda iyadoo lagu kordhiyey ciidamo cusub oo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada xasilinta Muqdisho oo la sameeyay xiligii uu taliyaha NISA ahaa Sanbaloolshe, waxaana gaabis weyn ku yimid ciidamadaasi oo maanta lagu dhawaaqay inay howgallo ka bilaabayaan caasimadda, iyadoo lagu kordhiyay ciidamada Booliska AMISOM iyo ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis kula hadlay ciidamadaasi ayaa ku booriyey inay xoojiyaan amniga caasimadda, waxaana amarro laga soo saaray ciidamada ka yimaada gobollada Shabeellooyinka inay hub lasoo galaan magaalada.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay dhowaan isku dhaceen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa NISA, halkaasoo lagu dilay askar ka mida NISA.

https://pbs.twimg.com/media/DW5FTOIW0AEc9gl.jpg

https://pbs.twimg.com/media/DW5FLSrWsAIWwsb.jpg

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON