Tirada ciidamada AMISOM looga dilay weerarkii shalay ka dhacay duleedka degaanka Buulomareer ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan.
Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi ku dishay 39 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee Uganda, waxaana afhayeenka ALshabaab uu sheegay inay hayaan meydadka askartaasi.
Dhinaca saraakiisha Soomaalida ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay tirooyin kala duwan oo kala ah: 10 askari, 18 askari iyo 24 askari.
Warkii ugu danbeeyay waxay wakaalad wararka ee Reuters
kasoo xigatay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Hoose Cali Nuur oo sheegay inay goobta ka qaadeen 23 askari oo AMISOM ah meydadkooda.
AMISOM ayaa qirtay inay qasaare kasoo gaaray weerarka, waxayna tacsi u dirtay saraakiil sare oo naftooda huray kadib weerar uga yimid Alshabaab xilli ay ilaalo ka hayeen wadadda isku xirta Beladul-amin iyo Buulomareer.
AMISOM ayaan weli shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada looga dilay weerarkan, waxaase muuqata in qasaare lixaad leh uu jiro, isla markaana saraakiil sare ay ku dhinteen.