Ciidamada Midowga Afrika ee ka holwgala Soomaaliya AMISOM ayaa soo saaray warbixin hordhac ah oo ku saabsan sidii ay ku geeriyootay Almaan Elman Cali Axmed oo 20-kii bishan ay rasaas ku dhacday iyadoo ku dhex sugan xerada Xalane ee AMISOM gacanta ku heyso.
War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in isla markii uu dhacay falkan oo nasiib darro iyo naxdin lahaa ay bilowday baaritaan degdeg ah, ayna goobta tageen baarayaasha AMISOM, iyagoo su’aalo weydiiyay darawalka Gaariga ay la socotay Almaas oo markaas ay gaariga ku wehliyeen darawalka iyo qof kale, waxayna u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray xabbad gaariga ay ku jirtay ugu tagtay, iyadoo markii la geeyay isbitaalka AMISOM ay geeriyootay.
Warbixinta AMISOM ayaa lagu sheegay in baaritaanka hordhaca ah ee arrintan uu muujinayo in xabbadda sababtay geerida Almaas Elman ay ahayd mid wiifto ah, iyadoo xilliga falkani dhacay aysan jirin wax rasaas ah oo ka dhacday gudaha Xalane, isla markaana ay hore u dhaceen shilal noocan oo kale ah oo rasaas wiifto ay dhibaato ka geysatay gudaha Xalane.
Warka AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay inay diyaar u tahay in la shaqeyso dowladda Soomaaliya si baaritaan buuxda loogu sameeyo shilkan.