Sunday, February 5, 2023

Amniga Madaxtooyada oo sababay inay xirmaan Ganacsiyadii Wadadda Maka Almukarama

Waxaa maanta ia xiray Goobaha Ganacsiga ee u dhaxeysa isgoyada Dabka iyo Sayidka oo laga ilaaliyo Amniga Madaxtooyada Soomaaliya.

Ganacsiyada u dhaxeeya labada Isgoys ayaa in muddo ah xirnaa, iyadoo loo diiday inay adeegsadaan Gaadiidka oo dhan, taasoo keenay cabasho ka timid Ganacstada, markii ay hoos u dhaceen shaqooyinkooda, ayna maanta bilaabeen shaqo joojin.

Amniga Madaxtooyada Soomaaliya oo markii hore laga sugi jiray Isgoyska Sayidka ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay lasoo gaarsiiyey Isgoyska Dabka, taasoo dhalisay xaalad adag oo ay wajahayaan ganacsatada degaankaasi oo boqolaal ganacsi halkaasi ku leh.

Ad

Ganacsada degan inta u dhaxeysa isgosyada Dabka iyo Sayidka ee wadadda Maka Al Mukarama ayaa saaka xiray Ganacsiyadii, iyagoo ka cabanaya xaaladooda heysata, waxayna sheegeen inay banaanbaxyo dhigi doonaan.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo 27kii Bishii hore ee Novembar ay Alshabaab weerar ku qaleen Hotelka Villa Rays oo u dhow Madaxtooyada, waxaana socda baaritaanka weerarkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!