Aqalka hoose ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad ayaa kulan ka yeeshay codsiga dib ugu noqoshada Heshiiskii Doorashada 17-ka September oo dib loogu noqonayo, kadib markii uu socon waayey muddo kordhintii 2-da sano ahayd.
Guddoomiyaha Aqalka hoose ayaa sheegay inay kaliya furan tahay codeyn, wuxuuna hadalka u diiday xildhibaano dalbaday inay arrintaas ka hadlaan, wuxuuna ku dhawaaqay in dib ugu noqoshada heshiiskii 17 September ay u codeeyeen dhammaan xildhibaannada fadhiga ku sugnaa oo ahaa 140, iyadoo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay.
Waxaa mar kale dib loogu yeray madxweynaha xilkiisu dhammaaday si uu ugu mahad celiyo Xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamaanka.
