Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta 1 May 2021 hortegay Aqalka hoose ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka, isagoo khudbad u jeediyey.
Waxaa khudbad jeedinta kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka tobnaad Maxamed Mursal Sheekh oo sheegay inaan loo baahneyn anixin ajende, wuxuuna kusoo dhoweeyay Maxamed Farmaajo si uu khudbadiisa u jeediyo.
Wuxuu ku dhawaqay inuu Ra’iisal wsaaare Rooble uu hoggaamin doono Doorashada iyo Amniga.. waxaan farayaa inay xukuumadda howshaas u diyaar garowdo howshaas baaxadda leh.
“Waxaan caddeynayaa n Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisul wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskaas iyo tallooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan farayaa Xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxada weyn ee hortaalla”
Wuxuu siyaasiyiin ka horjeeda ku eedeeyay inay ka hor yimaadeen muddo kordhintii, iyagoo abaabul sameeyay, isla markaana abuuray jawi dagaal iyo colaad oo lagu barakiciyey dadkii shacabka ahaa. “Lama ogolaan karo inay magaalada ku laabto 30 sano ka hor, sidaas darteed waxaan dooranay inaan u hiilino xasiloonida”.
Xalka doorashadu wuxuu ku jiraan in si kalsooni ah loo wadahadlo oo meel la iska dhigo danaha gaar ka ah.. shacabka ma xamili karaan dhibaato intaas ka badan, waxaana la rabaa in xoojiyo dhaqankii doorashada qori isku dhiibka oo Doorasho la aado..” ayuu khudbadiisa ku yiri.
Wuxuu ka codsaday iyadoo xeerinaya xaaladaha iyo duruufaha jira inay la qaataan in lagu noqdo heshiiskii wadar ogolka ahaa ee Doorashada dadban.
