Wednesday, July 2, 2025

Maxaa keenay inay waqtigeeda dib uga dhacdo Khudbadii Maxamed Farmaajo ee Aqalka Hoose..?

Waxaan weli furmin fadhigii gaarka ahaa oo u dhowaan shaaciyey guddoonka Golaha, kaasoo uu codsaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo si uu khudbad uga jeediyo.

Xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka ayaa xildhibaano badan xaadireen. Farmaajo ayaa la filayaa inuu dib ugu celiyo Golaha Shacabka qaraarkii 12-kii April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, isla markaana uu ka codsado inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.

Maxamed Farmaajo ayaan weli soo gaarn xilligan Duhurka kadib xarunta Golaha oo aan wax badan u jirin xafiiskiisa Madaxtooyada, waxaana aad loo hadal hayaa in khubadda Farmaajo oo dib uga dhacday waqtigii la filayey uu tanaasuli doono iyo in kale ama inuu ku faahdaahin doono mowqifkiisa markii uu jid waliba kasoo xirmay rajadii muddo kororsiga 2-da sano.

Wararka ayaa sheegaya in la sugeyay xildhibaanno Muqdisho ku sugan yo Farmaajo oo dib u dhacay arrimo gaara awgood, iyadoo xildhibaannada qaar ay ka baaqsadeen fadhiga. Waxaa lagu wadaa inuu dhowaan furmo kulanka oo lagu ballamay 9:00 subaxnimo.

Muddo kordhintan ayaa dhalisay muran siyaasadeed iyo cabsi dagaal, waxaana ka horyimid maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka iyo Guddoonka Aqalka Sare, iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaana markii dambe diidmada muddo korosiga ku soo biiray madaxda maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

HALKAN KALA SOCO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON